Deeq A. Posted July 10, 2019 Wararka caawa laga helayo xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa, ayaa sheegaya koox hubeysan ay halkaasi ku dileen labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka. Ismaaciil iyo Maxamed, oo ah labada marxuun ayaa waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo. Lama oga sababta dilka, Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, ka hor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux ee la dilay. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites