Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo laba ruux ku dishay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  (SMN) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa laba ruux ku dishay xaafadda suuqa xoolaha, degmadda Heliwaa ee magaaladda Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa shaaca ka qaadey in labadda qof lagu dhex-toogtey goob ay ku sugnaayeen oo ah Stuudiyo.

Mid kamid ah labada shaqsi ee la khaarijiyey oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa la sheegay in uu lahaa mehradaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ee falka geystay ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamadda ammaanka ayaa durba tegay halkaasi, iyaga oo sameeyay howlgalo aanan la ogeyn hadii dad lagu soo qabqabtey.

Ma jirto sidoo kale koox dusha saaratay mas’uuliyadda dilkan oo aysan sidoo kale laamaha amniga weli wax war  ah aysan kasoo saarin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this