Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay waxka qabato.

Waxa uu sheegay in haatan ay mareyso in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana Ergadii isaga soo dooratay ay ka mid yihiin kuwa ay u yeereen Al-Shabaab.

“Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Hadalka Xildhibaan Afaraale ayaa kusoo aadaya xilli horay loo dilay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

Hadlkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Dhagayso-Xildhibaan-sheegay-in-Ergadii-soo-dooratay-u-yeereen-Al-Shabaab-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this