Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Ingiriiska Ee Maraykanka Oo Is-Casiley

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey inay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kadib markii la dusiyay errayo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu adeegsaday.

EAEB930E-D8FD-459E-9292-6D8455AF8D6F_w10

War uu soo saaray Darroch ayuu ku yidhi “Inkastoo aanu booskeyga shaqo uu ku eg-yahay illaa iyo laga gaadho dhammaadka sannadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”

Darroch, waxa uu ahaa dibmulaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016.

Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan fadhiyin islamarkaasina aan laheyn wax xirfad ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this