Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka SOLJA Oo Xukuumadda Iyo Golayaasha Qaranka Ugu Baaqay Inay Mas’uuliyad Culus Iska Saaraan Xalinta Iyo Soo Af-Jarida Khilaafaadka Qabaliga Ah Iyo Kuwa Siyaasiga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka qayb qaataan dajinta wararka dhiilada ah iyo xakamaynta faafinta wararka kordhinaya dhibaato kasta oo dalka waxyeelaysa.

Maxamuud-Cabdi-Jaamac-Xuuto.jpg

Suxufiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta waxaan ugu baaqaynaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyigalanayo bulshada sidii ay Nabada u ilaashan lahaayeen, isla markaana uga hortagi lahaayeen cid kasta oo qayb ka ah colaadaha soo noqnoqda ee goboladda qaarkood ku dhex maraa deegaanada qaarkood.


Ururka SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka iyo waxgaradka kala duwan ee Somaliland inay masuuliyad culus iska saaraan xalinta iyo soo af-jarida khilaafaadka Qabaliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee jira.


Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha SOLJA

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this