Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha K/ Galbeed oo gaaray Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Marka ee Caasimadda gobolka Shabeelada Hoose.

Guddoomiyaha gobalka Shabeelada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Xuddur ee Caasimadda gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Sh/ Hoose.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: 

sawiro-2.jpgsawiro1-1.jpgsawiro3.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this