Deeq A. Posted July 10, 2019 Kismaayo (SMN) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta sarkaal ka tirsanaa Al-Xarakada Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Magaca ninkaasi ayaa saraakiisha ciidamada dowladdu waxa ay ku sheegeen Xuseen Xasan Cambeer. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus, waxaana ay tilmaameen inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Gaashaanle sare Ismaciil Sheekh Isxaaq Abaanduulaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo. Ma jiro illaa haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites