Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha aqalka sare oo dib ugu soo laabtay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qeyb galay shirkii Baarlamaannada Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Ruushka.

Mudane Xaashi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka.

Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Labada Aqal ee Baarlamaanka Ruushka, kana wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this