Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaaga ayaa ku warramayaa in barqanimadii maanta dagaal u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda hubeysan ee uu hoggaamiyo Korneyl Caare uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Korneyl Caare ay weerar ku qaadeen fariisimo kuwa Soomaaliland ay ku leeyihiin bariga gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay dhowr saacadood la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanada Dhoob iyo Biya Gaduud  oo 30 KM u jira magalaada Ceerigaabo.

Ku dhawaad 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana aagagii lagu dagaalamay isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Dhinaca kale Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in bandow ay ku soo rogeen deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay uga hortagayaan maleeshiyaad Beeleed dhawaan ku dagaalamay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gabi ahaan hakad galiyeen dhaq dhaqaaqyada deegaanada ku xeeran degmadaasi.

Shalay Madaxweyne Biixi ayaa amar ku bixiyey in Milatariga Somaliland ay ku baxaan xiisadan, islamarkana ay kala dhex galaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this