Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xooggan Oo U Dhexeeya Millatariga Somaliland Iyo Jabhadda Kornayl Caarre Oo Ka Qarxay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaan dhinaca Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka qarxay dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Jabhadda Kornel Saciid Cawil Jaamac Caarre iyo kuwa ka tirsan Ciidammada qaranka Somaliland.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka Dhoob oo ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi Magaalada Ceergaabo ka xiga Bari una qiyaastii 45 KM,isla markaana waxaa uu dhexmarayaa Ciidanka Jabhadda Korneel Caare iyo Ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ka tegay degaanka Yubbe.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaalkaas uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, welina lama oga Khasaaraha ka dhashay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this