Sign in to follow this  
Somalina

World politicians getting into fistfights

Recommended Posts

Somalina   

In Somalia

Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku feedhay yeedhmada wasiirka Maaliyadda

 

Khamiis, 26 August, 2010 (HOL)- Labada Mudane oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku farosaaray shir ay ku lahaayeen xaruntooda Hargeysa.

 

Labadan Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye ( Nacnac ) iyo Ibraahim Axmed Haybe, kana wada tirsan guddi-hoosaadka joogtada ah, waxay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

 

“Arrintu waxay ka dhacday ina Xaashi (wasiirka Maaliyadda) – waxaanu isku maandhaafnay aynu u yeedhno iyo saddex todobaad buu meesha joogay, mushaharooyinkii waa kan bixinaya, dayn badan baa lagu leeyahay, wax aynu imika ugu yeedhnana ma haynee aynu dib u yara dhigano, dabadeedna markaas buu caytamay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiye kuxigeenka guddi-hoosaadkaas. “Guddi ahaan baanu shir lahayn, shirkana anigaa gudoominayay,” ayuu raaciyay.

 

Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe uu ku doodayay in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Somaliland. “Waaba loo yeedhayaaye, hadalka iyo doodan aan muhiimka ahayn inaga daa baan ku idhi, dabadeedna intaas buu ka xaqaanay, ka dibna Feedh buu igu dhuftay , waxbana ima yeelin oo waa nala kala qabtay,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. “Ismaandhaaf uun bay ahayd, had iyo jeerna Xildhibaanadu way isku qayliyaan, wax mushkilad ahina meesha ma taalo,” ayuu raaciyay.

 

Mar la waydiiyay waxa ay ugu dambayn ku dhameeyeen arrinta u yeedhista wasiirka Maaliyadda ee gacan-ka-hadalka Xildhibaanadu ka dhashay, waxa uu sheegay inay wasiirka u yeedhi doonaan Salaasada dambe, si ay guddi ahaan wax uga waydiiyaan arrimaha Maaliyadda dalka.

 

Labada Xildhibaan ee is farosaaray, waxay ka wada tirsan yihiin xubnaha golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxayna ka soo wada baxeen gobolka Hargeysa.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somalia.

 

---------------------------

In the Czech Republic

 

---------------------------

In Bolivia

 

---------------------------

In Russia

 

---------------------------

In Sri Lanka

 

----------------------------

In the Ukraine

 

----------------------------

In S Korea

 

----------------------------

In the U.S.A

Alabama style

 

----------------------------

In Taiwan

Waa qosol miiran kuwani.

 

-----------------------------

In India

means tuur wixii ku dhow lee, ama kursi ha ahaado ama microphone. ;)

 

------------------------------

In Mexico

 

------------------------------

In Jordan

 

------------------------------

In Nigeria

"You are corrupted, no you are"

 

------------------------------

In Canada

Canadian politicians hate violence

That is why I love Canada. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^ Adiga ma ogid miyaa reer waqooyiga in ee sidaas isku fahman oo ee u wada hadlaan? kuligood ilaa ee il farta iska gashaan ama ee goos iska ridaan maba is fahmaan.. isfahankooda dhan baa ah dagaal iyo neerafoosanimo waana waxa ee meeshaas kaga nabad fiican tahay dhulalka kale ee somalia lol... wili malagaaga sheekeen miyaan sida bajaq yaasha loo shukaansado hargeysa dhexdeeda?

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D:D that's why I highlighted his name. Waa la feedhey maskiinka, laakiin I think he held his own (or else icon_razz.gif ).

 

Taiwan iyo South Korea waaba ritual in la isku rifo baarlamaanka iyo xafiisyada dawlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Harper doesn't strike me as man who will run away from a fistfight.

Adiga ma dagaalami lahayd haddii lagu dharbaaxo out of the blue?

Share this post


Link to post
Share on other sites

May waa iska baroori lahaa. Ma dagaalami lahayd kulahaa.

 

Horta qof dagaalama ma'ihi (it is not my nature, not because of fuleynimo, but because of being pointless). However, the very few fist fights I have been dadka chance maba siiyo, qoorsagaaro kula ordaa. Usually waaka dheeraa, so qoorsagaaro would be an easy target for me.

 

And that I don't do anything, I wouldn't hit him and I wouldn't give him a chance to hit me back since qoorsagaaro adag ku haayo oo neefta ku ceshantayba muxuuba dad feeraa. :D

 

Soomaali ayaaba la yahee ciyoow waaba la kala qabtaa dadka isdagaalaayo, that is why aan ku jeclahay Soomaalida dad iskuma fiirsadaan kuwa dagaalama weyna ogyihiin iskana dhigo dad dagaal inay rabaan ah.

 

P.S. - Stephen Harperka cusub oo Reer Alberta redneck iska dhigo taqaan miyaa? That image is bogus. He used to be a big nerd boy back in Toronto area where he and his family originally were from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

NinaNC, what is this? The fight Club,,, :D

 

Adiga markaa UFC weyday, aa Xildhibaanadaan tacbaanka eh ka shacireeysane miyaa (marka laga reebo Koreanka, kuwaas waa khatar,,, :D )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this