Somalina Posted August 27, 2010 In Somalia Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku feedhay yeedhmada wasiirka Maaliyadda Khamiis, 26 August, 2010 (HOL)- Labada Mudane oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku farosaaray shir ay ku lahaayeen xaruntooda Hargeysa. Labadan Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye ( Nacnac ) iyo Ibraahim Axmed Haybe, kana wada tirsan guddi-hoosaadka joogtada ah, waxay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. “Arrintu waxay ka dhacday ina Xaashi (wasiirka Maaliyadda) – waxaanu isku maandhaafnay aynu u yeedhno iyo saddex todobaad buu meesha joogay, mushaharooyinkii waa kan bixinaya, dayn badan baa lagu leeyahay, wax aynu imika ugu yeedhnana ma haynee aynu dib u yara dhigano, dabadeedna markaas buu caytamay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiye kuxigeenka guddi-hoosaadkaas. “Guddi ahaan baanu shir lahayn, shirkana anigaa gudoominayay,” ayuu raaciyay. Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe uu ku doodayay in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Somaliland. “Waaba loo yeedhayaaye, hadalka iyo doodan aan muhiimka ahayn inaga daa baan ku idhi, dabadeedna intaas buu ka xaqaanay, ka dibna Feedh buu igu dhuftay , waxbana ima yeelin oo waa nala kala qabtay,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. “Ismaandhaaf uun bay ahayd, had iyo jeerna Xildhibaanadu way isku qayliyaan, wax mushkilad ahina meesha ma taalo,” ayuu raaciyay. Mar la waydiiyay waxa ay ugu dambayn ku dhameeyeen arrinta u yeedhista wasiirka Maaliyadda ee gacan-ka-hadalka Xildhibaanadu ka dhashay, waxa uu sheegay inay wasiirka u yeedhi doonaan Salaasada dambe, si ay guddi ahaan wax uga waydiiyaan arrimaha Maaliyadda dalka. Labada Xildhibaan ee is farosaaray, waxay ka wada tirsan yihiin xubnaha golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxayna ka soo wada baxeen gobolka Hargeysa. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somalia. --------------------------- In the Czech Republic --------------------------- In Bolivia --------------------------- In Russia --------------------------- In Sri Lanka ---------------------------- In the Ukraine ---------------------------- In S Korea ---------------------------- In the U.S.A Alabama style ---------------------------- In Taiwan Waa qosol miiran kuwani. ----------------------------- In India means tuur wixii ku dhow lee, ama kursi ha ahaado ama microphone. ------------------------------ In Mexico ------------------------------ In Jordan ------------------------------ In Nigeria "You are corrupted, no you are" ------------------------------ In Canada Canadian politicians hate violence That is why I love Canada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted August 27, 2010 @nORTH korean sabaxad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2010 ^^ 32619 been been kuma aadan tagin walee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted August 28, 2010 ^^^ Adiga ma ogid miyaa reer waqooyiga in ee sidaas isku fahman oo ee u wada hadlaan? kuligood ilaa ee il farta iska gashaan ama ee goos iska ridaan maba is fahmaan.. isfahankooda dhan baa ah dagaal iyo neerafoosanimo waana waxa ee meeshaas kaga nabad fiican tahay dhulalka kale ee somalia lol... wili malagaaga sheekeen miyaan sida bajaq yaasha loo shukaansado hargeysa dhexdeeda? Wareer Badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 28, 2010 Xildhibaanada mar walba isdagaala u badan waa Reer Yukreen (Ukrain) iyo Koonfurta Kuuriya. Niinta, mataankaaga (Nacnac) waala dilee see camal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2010 that's why I highlighted his name. Waa la feedhey maskiinka, laakiin I think he held his own (or else ). Taiwan iyo South Korea waaba ritual in la isku rifo baarlamaanka iyo xafiisyada dawlada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 28, 2010 Waa jeclaan lahaa Stephen Harper mar hilfaha loo laabo, feer iyo faralaab loo giliyo. "Mr. Speaker, Mr. Speaker, iga celi, iga qabo" ka dhici lahaydee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2010 Harper doesn't strike me as man who will run away from a fistfight. Adiga ma dagaalami lahayd haddii lagu dharbaaxo out of the blue? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 28, 2010 May waa iska baroori lahaa. Ma dagaalami lahayd kulahaa. Horta qof dagaalama ma'ihi (it is not my nature, not because of fuleynimo, but because of being pointless). However, the very few fist fights I have been dadka chance maba siiyo, qoorsagaaro kula ordaa. Usually waaka dheeraa, so qoorsagaaro would be an easy target for me. And that I don't do anything, I wouldn't hit him and I wouldn't give him a chance to hit me back since qoorsagaaro adag ku haayo oo neefta ku ceshantayba muxuuba dad feeraa. Soomaali ayaaba la yahee ciyoow waaba la kala qabtaa dadka isdagaalaayo, that is why aan ku jeclahay Soomaalida dad iskuma fiirsadaan kuwa dagaalama weyna ogyihiin iskana dhigo dad dagaal inay rabaan ah. P.S. - Stephen Harperka cusub oo Reer Alberta redneck iska dhigo taqaan miyaa? That image is bogus. He used to be a big nerd boy back in Toronto area where he and his family originally were from. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2010 @iska baroori lahaa. Somaligaaga ma jiro runtii. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 28, 2010 Originally posted by NinaNC: ^^ 32619 been been kuma aadan tagin walee. Ramadan Karim ............ Nina Mayers .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted August 28, 2010 NinaNC, what is this? The fight Club,,, Adiga markaa UFC weyday, aa Xildhibaanadaan tacbaanka eh ka shacireeysane miyaa (marka laga reebo Koreanka, kuwaas waa khatar,,, ) Quote Share this post Link to post Share on other sites