Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Lafta Gareen oo diyaarad qaas ah ku tagay Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray magaallo Xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga uu hoggaaminayo Lafta Gareen oo isugu jiro xildhibaano iyo wasiiro ayaa ka soo ambabaxay degmada Xudur oo ay ka soo qaaday diyaarad uu leeyahay UN-ka.

Madaxweyne Lagta Gareen iyo xubnaha la socda waxaa halkaasi lu soo dhaweeyey maamulka gobolka Shabeelaha Hoose , kan degmada Marka iyo qeybaha bulshada.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana si wadajir ah u sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in Madaxweynuhu kulamo uu ka bilaabo halkaasi, isagoo u kuur geli doono xaaladda deegaanka.

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) booqdo Marka, tan iyo markii loo doorta xilkaasi.

Marka oo ah magaallo qadiimi ah ayaa waxaa in muddo ah go’doon ku hayay Al-Shabaab, inkastoo hadda meelaha ugu badan laga saaray.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

02-1.jpg 03.jpg 04.jpg 6-3.jpg 7-3.jpgCaasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this