Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo ka tirsanaa  saraakiisha Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inuu isku soo dhiibay.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in ninkani uu ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla markaana ka dagaallami jiray Gobolka Shabeellaha hoose.

Korneyl Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in Xuseen Xasan Cambeer, ay ka danbeysay inuu isa soo dhiibo markii uu go,aan saday inuu ka soo tago ,  taasna ay suuro gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this