Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa kooxda jugta culus ee Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalkSoomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegay Xuseen Xasan Cambeer.

Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka  kooxda jugta culus.

Xuseen Xasan Cambeer ayaa la sheegay inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abaanduulaha guutadda 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in isa soo dhiibista  sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa soo kordhayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda Soomaaliya, taas oo loo sababeynayo howlgallada xoogan ee ka socda gobollada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this