Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaanad Jidhkeeda Qaawisa Oo Diiday Bandhig Ay Ku Qaban Lahayd Dalka Sacuudiga Oo Lagu Casuumay + Taageero Ay U Muujiso Dadka Isku Jinsiga Ah Ee Isku Galmooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaalla dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah.

Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba.

Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October.

Bishii March, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xidhay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha.

“Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tidhi Nicki Minaj.

Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in ayna ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July.

Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this