Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox Dabley Ah Oo Dilay Askar Ka Tirsan Millatariga Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Askar ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Azarbaijan ee dhaca waqooyi galbeed ee dalka Iiraan.

1562703473f83d3.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidanka kacaanka ayaa lagu xaqiijiyay in gaadhi ay saarnaayeen ciidanka lagu qarax lagula eegtay afaafka hore ee laga galo magaalada Piranshahr.

Askarta geeriyootay ayaa ka tirsanaa guutada ku sugan xerada Xamza Sayyid Al-Shuhadaa.

Dhanka kale ciidanka sirdoonka ayaa wada baadhitaanada la xidhiidha weerarkaan waxaana heegan guud la galiyay laamaha Amniga.

Badhasaabka gobolka Piranshahr Cali Tarabi ayaa waxyar ka hor dhankiisa sheegay in dagaal u dhaxeeya koox dabley ah iyo laamaha amniga lagu dilay sadex askari oo ka tirsanaa ciidanka Kacaanka Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this