Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Nidar Ku Galay In Kalsoonida Loo Qaado Maayarka Gabiley Iyo Maayarka Oo Ku Faanay In Uu Kalsooni Badan Ka Haysto Dhinaca Madaxtooyadda.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gabiley)-Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayarkooda Maxamed Amiin oo khilaaf xooglihi ka dhex aloosan yahay ayaa shalay isku shubay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Amiiin-okok-1.jpg

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanadani markii ay kasoo baxeen shirkii Wasaaradda, waxa uu muran xooglihi dhex mara Wasiir Maxamed kaahin iyo Maayar Maxamed Amiin kadib markii uu wasiirku ku amray inuu Maayarku ogolaado in Codka Kalsoonidda loo qaado, xildhibaanadana uu u ogolaado inay hoolka Shirarka Dawlada Hoose ee Gabiley fadhiistaan.

Maayarka ayaa Wasiirka u sheegay inuu fulinayo awaamiir uu sheegay inay uga timid dhinaca Madaxtooyadda oo uu sheegay inaanay raali ka ahayn muranka Golaha ka taagan iyo in fadhiyo buuq keenaya la sameeyo, waxaana arintaasi aad uga cadhooday Wasiirka, isagoo markii dambe nidar ku galay sida ay sheegeen in fadhigaasi qabsoomi doono. Wasiirka ayaa sido kale u sheegay Xildhibaanadan inuu gudi arintani la socota Maanta soo saarayo .

Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka oo aad u faraxsan ayaa Shalay iskugu yimid Huteelka Imperial ee Magaaladda Hargeysa islamarkaana isku boorinayay inaan wax fur fur ah lagu samayn ee ay ka midaysnaadaan qadiyadii ay ku wada socdeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this