Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland laga aqoonsaday magaalo ku taalla dalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Golaha degaanka magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ay dal madax-bannaan u aqoonsadeen maamulkiisa Somaliland.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo ku hadlaya magaca Somaliland uu hambalyo iyo mahad-naq u jeedinayo Golaha degaanka Birmingham oo dal madax-bannaan u aqoonsaday Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan” aya lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa amaan u jeediyay Golaha degaanka Birmingham oo uu sheegay in ay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini’aadanimo oo aad u qiima badan kadib markii sid uu sheegay ay dal madax bannaan u aqoonsadeen maamulka Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dhanka dal madax-bannaan isagoo Beesha Caalamka ka codsaday in ay tix-geliyaan oo ictiraaf siiyaan Somaliland.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland laga aqoonsaday magaalo ku taalla dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this