Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi debadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga waddanka Imaaraatiga ayaa sida qorshaysan Khamiista berriya dib ugu soo laaban doona magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka oo 26-kii June ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa safarkiisa debadda ka bilaabay waddanka Djibouti oo uu 27-june kaga qeyb-galay xuska Munaasabadda xornimada Jamhuuriyadda Djibouti isagoo halkaasi kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa.

Mudane Axmed Karaash ayaa waddanka Djibouti uga sii gudbay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta halkaasi oo uu 3-dii bishan Julay ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraatiga iyo xubno ka socday ganacsatada waddankaasi.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi debadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this