Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Somalia oo goordhaweyd dil toogasho ah ku fulisay saddex Nin

Recommended Posts

Deeq A.   

edeysanayal.jpeg?resize=690%2C380

Dawlada Somalia ayaa saaka oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex eedeysane oo rag ah kuwaas oo loo heystay ka qeyb-qaadashada weerar lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee magalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa hotelka Naasa-Hablood 2 waxaa lagu qaaday taariikhdu marka ay aheyd 28kii bishii Octoobar ee sanadkii 2017, waxaana ka mid ahaa dadkii weerarkaasi ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Ragga saaka dilka toogashada ah lagu fuliyay  ayaa lagu kala magacaabaa:

1 : Farxaan Maxamed Samatar

2 : Cabdi Naasir Dhaqane

3: Abshir Maxamed Xaaji.

Horraantii sanadka 2018 ayay maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku ridday saddexdan ragga ah, iyagoona ugu dambeyn saakay xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this