Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo la wareegay deegaanno ka tirsan G/Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (SMN) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Generaal Odowaa ayaa sheegay inay si dardar leh ay ku socdaan howlgalladaasi oo uu jeedkoodu ku sheegay in Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidadamada dowladdu ay ku qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo uu ka xusay deegaanada Mooragaabey iyo Ceel La Helay oo ka tirsan gobolkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Jimcaale-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this