Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag weerar ka geystay Muqdisho oo lagu fuliyey xukun dil ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dambeeyey weerarkii 28 October sanadkii 2017 lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho.

Ragga la xukumay oo gaarayey illaa saddex ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaasi oo dhaliyey khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Saddexda qof ee la toogtay ayaa kala ahaa: Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule.

Halkan hoose ka aqriso habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.

Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad      Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-

1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.

2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud   ku dhashay Gedo

3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo  in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay  18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.

Taariikhdu ahayd  30/05/2018  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo  Taariikhdu markay ahayd   28/10/2017.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

WABILAAHI TOWFIIQ

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this