Deeq A. Posted July 10, 2019 Nicki Minaj Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo todobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaala dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah. Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba. Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha. “Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tiri Nicki Minaj. Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July. Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira. Toddobaadkii hore, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha isgaarsiinta bulshada, ayaa go’aankeeda ku aadan ka qeyb galka bandhig faneedka ku tilmaamay inay munaafaqnimo tahay maadaama dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda laga mamnuucay Sacuudi Carabiya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites