Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ay u sameeyeen.

Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug ee Galmudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dh, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira koonfurta degmada Gaalkacyo.

Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay.

  • 1-3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 2-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 3-3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 4-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 5-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 6-3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 7-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 8-3.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 9-3.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this