Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo maanta la shaacinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay maanta shaacin doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo lagu socod-siiyay guddoomiyaasha Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo walidiinta ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah la soo bandhigi doono natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyayaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer dagmo, Maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo waalidiinta in maanta oo arbaco ah Taariikduna Tahay 10 bisha julay 2019, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland Saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo” ayaa lagu yiri qoraal wasaaaradda.

Sidoo kale wasaaradda ayaa dhammaan ardayda ugu baaqday in ay is dejiyaan oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda”dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardeydu oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyadoo la isticmaalayo roll-numberkooda imtixaanka iyaga oo galinaya Shirkada Golis 299 ama Webka Wasaaraadda ka dalaca doona Natiijadda Imtixaanka sida”.

PUNTLAND POST

The post Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo maanta la shaacinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this