Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Si Weyn U Bogaadisay Qurbajoogga UK

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wakaaladda Qurbojooga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska ku amaantay dedaalkii ay geliyeen in Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed uu soo saaray maanta Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooga Somaliland Cabdi Cabdilaahi Xirsi (Dayax-weerar) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday, ayuu ku sheegay inuu mugleh u bogaadinayo qurbajooga reer Somaliland ee ka hawlgalay in Golaha deegaanka ee Magaalada Birmingham oo ah ta labaad ee ugu dadka badan Ingiriisku ay xildhibaannada saddexda xisbi ee UK isku wada raaceen go’aankaas taariikhiga ah ee la xidhiidhay aqoonsiga JSL.

Cabdi Cabdilaahi Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba joogga Somaliland wuxuu intaas ku daray in dedaalka qurba-jooga iyo saaxiibadda Somaliland ku leedahay baarlamaanka Ingiriiska iyo xildhibaannada goleyaasha deegaanka UK ay sii dhiirigelinayso qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inay sii xoojiyaan wadajirkooda.

Magaalada Birmingham ayaa shan ku noqonaysa afartii degmo ee hore u aqoonsaday Somaliland oo kala ahaa Cardiff, Sheffield, Bristol iyo Tower Hamlet.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this