Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Somali-British Ah Oo Ku Biiray Kooxda Daacish Oo La Shaaciyay In Uu Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa soo bandhigay Muuqaaladda 4 Muwaadiniin British ku biiray Maleeshiyadda Daacish, kuwaasi oo la sheegay in lagu dilay magaalada Raqa ee dalka Suuriya, wax yar kadib markii ay ku biireen Daacish-ta ka dagaalanta Suuriya.

Mid ka mid ah Jihaadistayaasha la dilay oo ahaa Somali-British waxaa lagu magacaabi jirey Cabdillaahi Xasan, kaasi oo hore u deganaa magaalada London.

Wargeyska The Sunday Times ayaana soo bandhigay Muuqaal Filim oo muujinaya iyadoo uu Marxuumkaasi kor u haysto Qori AK 47 ah, isla markaana wacad ku maraya inuu dili doono Muwaadiniinta iyo Askarta Britishka iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Suuriya.

Wargeyska waxa uu qoray inuu Cabdillaahi Xasan ka yimid Degmadda Woolwich ee Koonfur bari ee magaalada London, wuxuuna ka mid ahaa 20 nin oo lagu naanaysi jirey Wiilasha The Woolwich Boys, kuwaasi oo u socdaalay dalka Suuriya, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Wargeyska The Sunday Times waxa uu qoray in hore loo aqoonsaday 3 ka mid ah dhallinyarada haysta dhalashadda UK oo lagu dilay gudaha dalka Suuriya, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Al-khaliifi oo 22-jir ah, Fatluum Shalaku oo 20-jir ah iyo Maxamed Mahdi Xasan oo 19-jir, iyadoo qofkii 4-aad ee hadda la aqoonsaday uu yahay Jihadiste Somali-British lagu magacaabi jirey Cabdillaahi Xasan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this