Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo cabsi uu ka qabo in Kiiniya aqoonsato Somaliland awgeed murankii bada ee maxkamada yaalay ka soo saaraaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog lagu kalsoonana karo ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday in doodii badda wada hadal lagu dhameeyo, Dowlahadaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayey xogto tilmaantay in wada hadalkaas gadhwadeen ay ka noqonayaan.

13 ka bishan aynu ku jirno Farmaajo Wuxuu Adis Ababa kula kulmi doonaa Madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo isla soo saxiixi doona heshiis ah in Marka hore dhageeysiga dacwadda dib loo dhigo ugu yaraan 12 bilood, kadibna 12 kaas bilood gudahooda si buuxda labada wadan ay maxkamadda uga codsadaan in arrintooda ay ku dhameystaan wada hadal sidaasina Maxkamadda looga soo celiyo gebi ahaanba dacwadaas.

Wararkla ayaa sheegaaya in dawlada Kiiniya ay qorshanaysay in ay aqoonsi buxa u fidiso dawlada Somaliland oo 1960-kii la midowday Somaliya kadibna 1991kii ka laabatay midowgii ay labada dal wada galeen.

Hadii arimahani ay sidaasi u dhacaan waxa uu Farmaajo god madow ku riday badii Somaliya ee maxkamada caalamiga ah loo gacan galiyay laguna wado in lagu dhawaaqo go’aankeeda laba bilood ka dib.

Somaliland hadii bada la isku hayo la siiyo Kiiniya iyo hadii loo xukumo Somaliya midna dib ugama laaban doonto gooni isu taageeda, sheekada ah in Somaliland ay mar danbe la midoobi doonto Somaliya waa mid aan meela loo dayin waxna haboon shicibka walaalaha ee Somaliyeed in ayna wakhtigooda iyo badooda midna iska luminin, Farmaajana ka foojignaadaan dabinada uu u dhigaayo Somaliya iyo Somalilandba

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this