Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay Inay Ka Laabatay Mowqifkeeda Dacwada Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Somaliya ayaa waxa ay beenisay inay ka laabatay mowqifkeeda ku aadan murunka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalana la baadhi doono ciddii warkaasi suuqa soo gelisay.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxay warbaahinta qaybteeda baahisay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax ka bedeshay mowqifkeeda ku aadan murunka badda.

Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaanay Dowladda Somaliya ka noqon mowqifkeeda la xidhiidha kiiska horyaala Maxkamadda ICJ.

1562686759-7185809135d24b52703c22-Beenin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this