Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay degaan hoos-taga gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miino ayaa la tilmaamay in uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey degaanka Kurtun.

Warbixinada ayaa tibaaxaya in khasaaraha ay sii cagageyneyso dhimashada lix ruux iyo dhaawaca tiro kale oo qaarkood ay daran tahay xaaladooda.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala damac-sanaa kolanyo uu la socdey Jenaraal Cabaas Ibraahim Gurey, oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee aagaasi.

Jenaraalka oo kasoo baxayey tuulada Gariley ayaa la sheegay in uu wadada ka weecdey balse lama ogga hadii uu helo xogta.

Gaariga shacabka ah ee ay miinadu la kacdey ayaa kasoo baxaya magaaladda Ceel-waaq ee goboladda Gedo kuna dhow adka Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this