Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Waare oo Kheyre ka dalbaday in si deg deg ah usoo gaaro Beladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ka dalbaday in uu soo dhaxgalo khilaafka raagay ee kala dhaxeeyo Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Waare oo taleefon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday in uu si deg deg ah u soo gaaro magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan islamarkaana uu xal u raadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Dabageed, kaas oo qaatay muddo bil ku dhow islamarkaana ragaadiyay shaqooyinkii gobalka.

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aqbalay in uu safarkiisa Gobalada Dhexe ku soo gaba-gabeeyo magaalada Beladweyne islamaraakana uu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre ay suurta gal tahay in uu dhowaan gaaro magaalada Beladweyne ee xarunta gobalk Hiiraan islamarkaana uu xal ka dhax raadiyo Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare.

Dhinaca kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu khamiista dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho kadib markii ku dhowaad 20 cesho uu ku soo qaatay degaanada maamulka Galmudug islamarkaana uu soo xaliyay inta badan khilaafkii ka dhax-jiray masuuliyiinta Galmudug, markaas kadibna laga yaabo inuu maalmo kadib aado Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this