Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaallo ka dhacay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Dagaallada oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ayaa ka dhacay Afmadow iyo Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerar xoogan ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkaasi uu xigay dagaal fool fool ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale weerar kale ayaa la sheegay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Hoosingow oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale halkaasi ay ku dagaalameen dagaalyahannadii weerarka qaaday ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan dagan, hayeeshee ciidanka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this