Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo guddoomiye u magacaabay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacawday Muqdisho, kadib markii horay loo dilay mas’uulkii u qaabilsanaa Caasimadda.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la sheegay in loo magacaabay Daahir Macalin Salaad, sida ay u xaqiijinayaan  ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mas’uulka la magacaabay ayaa lagu soo warramayaa inuu  horay uga tirsanaa sirdoonka Al-Shabaab.

Ninkan ayaa bedalaya Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al Shabaab ugu magcawnaa gobolka Banaadir, kaas oo oo duqeyn lagu dilay 2017-kii.

Dha dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga saaray 2011-kii, kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Magacaabistan cusub ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab gudaha Caasimadda ay ka fuliyaan qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo uu ugu dambeeyey midkii shalay ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee G/Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this