Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Odayaasha Cadaado oo ogolaaday inay la kulmaan kheyre iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay halkaas maanta dhan ka socdeen kulan xasaasi ah.

Kulankaas ayaa wuxuu u dhaxeeyey  Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya & Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado.

Kulanka oo uu casuumadiisa lahaa Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay sidii sidii ay ula kulmi lahaayeen ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wasiir Qoor Qoor ayaa Odayaasha dhaqanka ka dhaadhacsiiyey inay ogolaadaan la kulanka Ra’isulwasaaraha si ay ugu gudbiyaan dhammaan cabashooyinka ay qabaan iyo sida ay wax u rabaan.

Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Somaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Odayaasha Dahqanka Cadaado ka dalbday inay muhiim tahay in ay Ra’iisul Wasaaraha kala hadlaan tabashada ay qabaan.

Waxaa uu sheegay in dadka degan Magalada Cadaado ay xaq u leeyihiin inay soo bandigaan cabashadooda,waxaana uu Odayaasha Dhaqanka u soo jeediyay inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Odayaasha dhaqanka ayaa qaatay talada uu wasiirka usoo jeediyey, waxaana durba la bilaabay diyaarinta  kulan dhex mari doono Ra’isulwasaaraha iyo Odayaasha dhaqanka marka uu kasoo laabto Gaalkacyo oo uu hadda ku sugan yahay.

Odayaasha dhaqanka Magalada Cadaado ayaa shalay diiday inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in uu uu uga baxay balan hore uu la galay.

Ra’isulwasaare Kheyre oo 15 berri ka badan ku sugan Galmudug ayaa weli ku guuleysan la’ inuu xaliyo tabashada odayaal dhaqamayeedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@lkive.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this