Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweyne Wasaaradii Arrimaha Guduhu Fadhiid Ayay Noqotay, Hawsheedii Bay Gabtay Ee Maxamed Kaahin Ha Kula Joogo Madaxtooyada Laakiin, Cid Wax Ka Qabata Arrimaha Gudaha U Dhiib…” Jamaal Jaamac Xaamud

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Jamaal Jaamac Xaamud ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu xilka ka qaado Maxamed Kaahin wasiirka arrimaha gudaha waxaanu ku eedeeyay in uu yahay masuul ku fashilmay hawsha wasaaradda arrimaha gudaha. Waxa uu ka hadlay dhibaatada colaadda soo noqnoqotay ee aagga Ceelafweyn.

“Ciiddanka Ceerigaabo hadda(Isniin) ka baxaya waxay ahayd in ay shalay baxaan ilayn xabaddu shalay bay dhacday oo habeenka isugu dumaye, haddii shalay (Dorraad) la bixi waayay waxay ahayd in xalay la baxo laakiin, hadda ayaa la baxaya waa masuuliyad xumo dawladda ah, waa masuuliyad xumo wasiirka arrimaha gudaha ah, madaxweynuhu maaha in uu ka xishoodo oo yidhaa hebel meel ku ixtiraam haddii hebel hawshiisa ka soo bixi waayo waa in uu hebel ka baxa meesha oo qof kale oo ka soo baxaya la geeya haddii ay noqoto hebel ku daa ama hebel ku ixtiraam dee way isla dumaysa Somaliland, marka waxa aanu leenahay madaxweyne arrimaha guduhu way fadhidaa, fadhiid bay noqotay, hawsheedii bay gabtay ee Maxamed Kaahin ha kula joogo madaxtooyada laakiin, cid wax ka qabata arrimaha gudaha u dhiib, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this