Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Dekedda Oo Markii 3-aad Ku Guulaystay Horyaalka Somalia Premier League

Recommended Posts

Deeq A.   

Da’daal dheer ka dib maamulka kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa u mahad celinayna ciyaartooyda oo markii saddexaad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalaia Premier League.

65957006_2265737530407476_88589479014899

Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Dekedda Cabdullahi Faarax Cusmaan ayaa u mahad celiyay xidigaha kooxdiisa sida wanaagsan ay ugu dhabar adeegeen hamigeeda hanashada horyaalka wuxuuna bogaadiyay  ciyaartooyda ajaanibta oo iyagana kaalin wanaagsan kulahaa guulaha taariikhda ay kooxda samaysay.66636259_135056641025176_900244901232168
Cabaas Amiin Maxamed oo ah kabtan kooxda Dekedda kuna hadlay magaca ciyaartooyda ayaa sheegay in guushan aysan imaan laheyn hadii ay si wadajir ay isku kaashan laheyn maamuulka iyo ciyaartooyda .

65849052_2306326223017560_11116818041562

Xoghayaha kooxda Dekedda Cabdullahi Bashiir Kuwaataro ayaa qeexay maalintii ay heleyn macallin Yuu-Cali in ay ka baxeyn baahida dhinaca hanashada koobabka iminkana ay ku guulaysandoonaan tartamada kale ee kooxda kusoo wajahan sanadaha soo aadan.
65827715_115333906415199_622984616301769
Tababaraha kooxda kubadda cagta Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) ayaa ciyaartooydiisa kaga mahad celiyay tariikhda ay sameeyeen, iminkana laga rabo in aysan is dhigin oo ay difaacdaan koobabka ay kusoo kodhiyeen xafiiska naadiga Dekeddaha Football Club.

32331992_1887120704654127_59250691461852

Cabdullahi Muxidiin Siyaad oo ka mid ah maamulka Dekedda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay guulaha lama iloobaanka ay ka gaareen tartanka horyaalka Somalia Premier League si wadir ahna uu ugu mahad celinayo qof walbo oo ka qeyb qaatay safarka hanashada horyaalka kubbadda cagta dalka

010A9214-1024x683.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Maamulka Kooxda Dekedda Oo Mahad Celinaya Xidigahooda

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this