Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharixiinta Jubbaland oo loolan adag ka bilaabay Kismaayo iyo culeys soo wajahay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ka socda Shirar ku aadan Doorashada oo ay qabanayaan Musharaxiinta ku Tartamaya Xilka  Madaxweynaha Afarta sano ee soo socta ee Jubbaland , waxayna Kulamada intooda badan ay Musharaxiinta la yeelanayeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada Sida Odoyaasha, Culimada, Waxgaradka, Cuqaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada

Musharax Maxamed Ismaaciil  Shuuriye oo dhawaan Gaarey Magaalada Kiismaayo ayaa Durbaba la kulmey Bulshada nool Deegaanada Jubaland wuxuuna sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto Kismaayo islamarkaana Sannadkaan uu ka mid noqdo Masharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha    Jubbaland .

“Waxaa la gaarey Xiligii Dadka Ku Nool Jubaland ay I dooran lahaayeen waxaan ahay Shaqsigii samatabixin lahaa Jubbaland, waxaan ahay Masuul Hore Xilal u soo qabtey wax badan ka yaqaan Baahida ay qabaan Maamulada Dalka” Sidaa waxaa yiri Musharax Shuuriye oo inta raaciyey.

” Waxaan isku xir ku Samayn doonaa Degmooyinka Jubaland waxaan xooga Saari Doonaa Garsoorka iyo Amniga guud ee Jubbaland si lo helo Ummad Dhinac waliba ka Hormarsan waxaan ka Shaqayn doonaa Adeegyada Bulshada”

“Waxaa la gaarey Maalinkii aan saxi lahaa Wixii Qaladaad ah ee hore u dhacay, waxaan Dib u Heshiisiin Dhex Dhigi doonaa Bulshada ku Nool Deegaanada Jubaland oo Baahi weyn u qaba” ayuu  yiri Musharax Shuuriye                                                                                                                     waxaa uu u soo jeediyey Xildhibaanada la soo xulayo ee dooranaya Madaxweynaha Jubbaland in ay Doorashadoodda  ku saleeyaan Cadaalad si loo helo Masuuliyiin si Hufan uga soo dhalaala wixii loo doortey oo ah Horumarinta Deegaanada Jabbaland

Musharax Shuuriye oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka  Madaxweynaha Jubaland ayaa Maalmaha soo socda waxaa uu Magaalada Kismaayo ka soo wadi doonaa Ololahiisa Doorashada  sidoo kale waxaa uu  kulamo la yeelan doonaa Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Jubbaland si ay isu meel Dhigaan qaabka ugu Haboon oo ay u Dhici lahayd Doorashada.

Sidoo kale waxaa jiro musharixiin kale oo gaaray Magaalada Kismaayo halkaas oo iyagana lagu soo dhaweeyey, waxayna arrintaan cabsi ku abuurtay Madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo culeys badan kala kulmayo Dowladda.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda ah mid mashquul badan, waxaana ka socdo shirar iska soo horjeedo iyo hardan siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this