Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Tunisia Oo Mamnuucday Xidhashada Niqaabka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tunisia)-Raysal Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed ayaa xafiisyada dawladda ka mamnuucday xidhashada niqaabka kaas oo daboola wajiga oo idil marka laga reebo indhaha, sababo dhanka ammaanka ah.

107769924_2d184785-3ed3-4104-a402-8a7a27

Amarkan ayaa soo baxay kaddib markii toddobaad gudihiis ay saddex weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mamnuucista ka dhigto mid ku meel gaadh ah.

Hoggaamiyihii mudda dheer xukumayey dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa niqaabka iyo xijaabka ka mamnuucay dhismeyaasha dawladda, balse waxay dib ugu soo laabteen markii xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii.

Xafiiska Mr Chahed ayaa Jimcihii soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in hay’adaha dawladda uusan soo galin qof kasta oo wajigiisu daboolan yahay … sababo la xidhiidha ammaanka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this