Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Ingiriiska Oo Digniin U Dirtay Dalalka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Xoghayaha Arrimaha ka bixitaanka dowlada UK u qaabilsan midowga Yurub Stephen Barclay ayaa sheegay in waajib ay tahay in UK ay ka baxdo midowga Yurub.

1562615261dcc22.jpg

Wuxuu sheegay in Yurub laga doonayo in ay dib u furto wadahadalada kaasi oo ay hore ugu fashilantay Theresa May.

Xubnaha baarlamaanka ayaa UK ayaa saddex mar ka hor yimid hanaanka siyaasadeed ee May.

Balse Stephen Barclay ayaa sheegay in waajib ay tahay in bisha October ay UK ka baxdo midowga Yurub.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada London ayaa wuxuu sheegay in heshiis la,aan ay uga bixi doonaan UK.

Labada dhinac ayaa wali isku af garan arimo ay ka mid yihiin dhanka is dhexgalka iyo dhanka socdaalka marka ay UK ka baxdo midowga Yurub.

Muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalalka Yurub ayaa waxay ku nool yihiin gobolada kala duwan ee Ingariiska.

Boris Johanson oo la filayo in uu badalo Theresa May ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in 31 October ay ugu danbeyn doonayaan in ay ka baxaan Yurub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this