Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska oo dhalinyarada magaalada Muqdisho ku qasbaya in ay hub qaataan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaadis, caburin iyo jirdil aan xad laheyn ayey Ciidamada Booliiska Soomaaliya ka geestaan magaalada Muqdisho maalin walba sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool Gobalka Banaadir.

Dhalinyaro badan oo Akhyaar ah isuguna jira aqoonyahaano iyo kuwa katirsan Shaqaalaha Dowlada ayey Ciidamada si karaama beel ah ugu jirdilaan xaafadaha Gobalka Banaadir mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinkaas ka jira Muqdisho.

Caasimada Online ayaa la hadashay qaar kamid ah dhalinyarada dhibka loo geestay waxayna sheegeen in ay xaalad adag heysato taas oo lagala kulmayo Booliiska Soomaaliya.

“Sharaf dil, iyo karaama beel ayaa kala kulanaa Ciidamada mana naqaano cid aan uga dacwoono” ayuu yiri qof ka tirsan dhalinyarada Gobalka Banaadir.

“Mararka qaar waxaa ku qabanaysa inaa la dagaalanto wax kasta oo aad heli karto kula dagaasho waayo waxay sameynayaan waa karaamo dil” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay oo naga codsaday in aan qarino magaciisa.

Caasimada Online waxay la kulantay dhalinyaro isu diyaarinaya in ay kamid noqdaan Ciidamada Soomaaliya si ay uga nabad galaan qatarta Booliiska halka qaar kalane ay kuu sheegayaan in ay doonayaan in ay ka baxaan Muqdisho maadaama aysan heysan xorriyad iyo amni.

Dadka ka foolaada Arimaha amaanka ayaa qaba in dadka oo dhalinyarada oo la caburiyo iyo xorriyadda hadalka oo aan la tixgelin ay sababi karto in dhalinyarada ay kamid noqdaan Kooxaha Argigixisada iyo in ay ka sii fogaadaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Dadka ugu badan ee dhibaatada la kulma waa Ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha iyo Iskuulada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa ku jira shaqaale katirsan Dowladda Soomaaliya.

Si guud jirdilka Muqdisho waxa uu kamid noqday nolal maalmeedka caadiga ah ee Gobalka Banaadir, ayada oo inta badan askarta booliska ay yihiin kuwa aan tababar wanaagsan lahayn, qaarkoodna aysan magaaladab fahamsaneyn oo gobollo kale laga keenay.

Jirdilka waxaa sii dheer cabsi gelinta lagu hayo dadka ayada oo mar walba qoryaha la isaga taago, qaarkoodna lagu rido xabado sababa dhimasho iyo dhaawac.

Ayada oo ay tahay in ciidamada looga mahad-celiyo sugidda amniga iyo marxaladda adag ee ay ku shaqeeyaan, haddana dowladda federaalka waa inay ka war-haysaa tacaddiyada dhacaya islamarkaana ciidamada siisaa tababar ku filan, kuwa dhibka gaysta ay sharciga marsiisaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this