Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab guddoomiye cusub ay u magacawday gobolka Banaadir, kaas oo wakiil uga noqon doono howlgallada ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Daahir Macalin Salaad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Ninkan ayaa horay uga tirsanaa sirdoonka Xoogaga Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay.

Daahir Macalin Salaad ayaa bedalaya Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-Shabaab ugu magcawnaa magaalada Muqdisho.

Cali Jabal oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay sanadkii 2017-kii.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab aysan awood muuqata ku laheyn Muqdisho, balse ay ka fuliyaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa 2011-kii gabi ahaan Al-Shabaab ka saaray Caasimada, kadib daaallo dhex maray labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this