Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo kulamo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaloya Mudane Xasan Calo Khayre ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu Ra’iisul wasaaruhu ka qaatay odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta magaaladaasi.

Intooda kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda gobolka Mudug iyo dhibaatooyinka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray degmadan, ayaga oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this