Deeq A. Posted July 9, 2019 Waxaa xoogeystay dagaal u dhaxeeya Laba beel oo wada deggan gobolka Sanaag, kaasi oo ka socda deegaanno duleedka ka ah degmada Ceel-afweyn ee gobolkaasi. Dagaalkaan ayaa xooggiisa dhacay shalay gelinkii dambe, waxaana la sheegayaa in saakay rasaas laga maqlayo deegaanka Duud-caraalle iyo deegaanno kale. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 25 qof, iyadoo dhaawucuna ka badan yahay 30 kale. Dagaalkan ayaa ah mid soo noq-noqday, iyadoo marar badan ay sidan oo kale Labadan beel u dagaallameen. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa ammar degdeg ah ku bixiyey in ciidan la kala dhex-dhigo beelahan, mana jirto illaa iyo hadda cid kala dhex-gashay maleeshiyaadkan dagaallamaya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites