Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Yariisow oo awaamiir dul dhigay ciidamada ka hawlgala Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Muqdisho oo ciidamada ku wargeliyay qaraxyada la fashiliyay.

Wuxuu sheegay in ay maamulka Gobolka, Degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo Shacabkuba isku xireen, taas oo sababtay in ay Habeen kasta qabtaan Shir looga hadlaya ammaanka Caasimadda iyo halka uu marayo.

Mas’uuliyiinta ayuu faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray Askarta Millitariga ah ee Tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan Ciidanka ammaanka ee Waddooyinka ka howl gala, si aysan ugu soo dhex dhuuman Argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa Dadka leh Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaa haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.

Hoos ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Yariisow oo awaamiir dul dhigay ciidamada ka hawlgala Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this