Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaro culus oo laga soo saaray shirka amniga Caasimadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Shirka amniga Caasimadda oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan saraakiisha dhanka laamaha amniga iyo sidoo kale xubnaha maamulka gobolka Banaadir.

Intii socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo baaritaanada ka socda magaalada Muqdisho.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa mas’uuliuyiintii ka qeyb galay ay soo saareen amaro culus oo la xariira amniga Caasimadda, waxaana ay isku raaceen:

In mas’uuliyiinta wata ilaalada hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin askartooda dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya.

In milkiilayaasha gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda.

Guddoomiiyaha maamulka gobolka, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyay muhiimada shirkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this