Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo guddoomiye cusub u magacowday magaalada muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaadada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa maamul ahaan laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen boqollaal ruux.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo guddoomiye cusub u magacowday magaalada muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this