Deeq A. Posted July 9, 2019 Dhoobley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in qaraxa ay ku dhinteen dad rayid ah xalay uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay gaari siday Caano oo ay la socdeen dadkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kalen oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaarigaasi. Lama oga sababta loo beesaday gaarigan, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo Miino waddadaasi kula eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka howlgallo ka waday ciidamada huwanta, iyaga oo weeraro kala kulamayay Al-Shabaabh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites