Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) –Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyey, mas’uuliyiin ka tirsana Galmudug iyo qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi.

Khayre ayaa la filayaa in kulamo uu ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadlayo nabadda gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay booqasho ugu bixiyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo  guulo ku soo dhammaaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this