Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa maanta xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid Wariyeyaasha ka howlgala Somaliland

Wariye Coldoon ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu wax u dhimay Qaranimada Somaliland, sidoo kalena uu wax ka shegay Dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

Xukunkan ayaa waxaa sharci darri ku tilmaamay, kana horyimid qaar ka mid ah Wariyeyaasha iyo Abwaanada ku dhaqan Somaliland

Coldoon oo wax badan ka qora arrimaha maamulka Somaliland ayaa ayaa dhowr jeer lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa, isagoona lagu riday xukuno kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this